Adal Search

Custom Search

Adal Search Result

subscribe Burdi-news

Burdi-Dilla News Headline Animator

Thursday, March 3, 2011

Mr.siilaanyo Stop selling Motherland

 Heshiis qarsoodi ah:Itoobiyana 50-Sanno Dekedda Berbera Lacag La'aan ku Isticimaali Doonta PDF Print E-mail
Written by Yool   
Mar 02, 2011 at 06:16 PM
Xukuumadda oo Wadda-hadal Qarsoodi ah la Bilowday Shirkada Shiinays ah, Halka Itoobiyana 50-Sanno Dekedda Berbera Lacag La'aan ku Isticimaali Doonto

Hargeysa(Yool)-Xukuumadda Somaliland, ayaa waxa wararku sheegayaan inay ku hawlan tahay heshiis qarsoodi ah oo ay la gelayso Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, isla markaana ay xulufo yihiin dawlada Itoobiya.
Heshiiskaas, ayaa sida ay Wargeyska "Yool" u sheegeen ilo-diblomaasiyadeed oo ku sugan Magaalada Adis ee xarunta Itoobiya, waxa u jeedadiisu tahay in shirkadda Shiinaha ahi Somaliland ka hir-geliso dhabo kuwa Tareenada ah oo isku xidhi doona Dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya.
Sidoo kale, waxa ilahaasi tibaaxeen in heshiiska dawlada Somaliland la geli doonto shirkadda shiinaha ah uu dhan yahay mudo 50-Sanno ah, kaasoo sida wararku xuseen marka Shirkadaasi dhamaystirto dhismaha wadada Tareenka ee dalka laga hirgelin doono uu bedelkiisu noqon doono in 50-ka sanno Dawladda Itoobiya Dekedda Berbera ku isticimaasho bilaa Lacag.
Haddaba qorshaha ku saabsan heshiiska qarsoodiga ah ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaayo ku talo jirto inay dhowaan kala sexeex daan Shirkad laga leeyahay dalka shiinaha oo ay gadh-wadeen ka tahay dawlada Itoobiya ayaa waxa wararku intaa ku darayaan in Wasiirka arimaha dibedda Somliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Maalmahan-ba ku sugnaa Magaalada Adis Ababa uu arintaa darteed Xalay ama Maanta safar ugu ambabixi doono dalka Shiinaha, halkaasoo sida qorshuhu ay ku kulmi doonaan mas'uuliyiinta shirkadda Shiinaha.
Hindisaha qorshahan, ayaa ah mid dawlada Itoobiya 20-kii sanno ee u danbeeyey-ba hirgelintiisa ka waday qaar ka mida wadamada aynu deriska nahay, sida dalka Jabuuti, haseyeeshee ay ku guul daraysatay meel marintiisa, waxaana ka mid ah dalalka Itoobiya u soo bandhigtay qorshan, balse ku diiday dalka Jabuuti oo sida ilo-wareedo lagu kalsoon yahay sheegay, isagoo arintaa ka cararaya heshiis la galay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraaka Carabta, taasoo iyadu ilaa hadda gacanta ku haysa maamulka Dekedda dalka Jabuuti.
Arintaasoo sida dadka arimaha Mandaqada u kuur-galaa sheegeen ay dawlada Jabuuti ku diidanayd, kadib markii ay baqatay in mustaqbalka dekeddu farahooda ka baxdo, iyadoo ku xisaabtamaya saamaynta ay bulshadooda ku yeelan karto marka ay ku soo furmaan 70-ka milyan ee ku nool Itoobiya.
Geesta kale, maaha markii u horaysay ee Itoobiya qorshe noocan ah u soo bandhigto Somaliland, haseyeeshee inta la og-yahay waxa maamuladii u kala dabeeyey talada dalka ay mid walaba gaarkiisa ugu bandhigto arintan, inkastoo sida la sheegay maamuladii hore ku gacan-saydheen, waxana ka mid ah shuruudaha maamuladii hore ee Somaliland ku xidheen hirgelinta qorshaha ay dabada ka riixayso dawlada Itoobiya in ay aqoonsi caalamiya u fidiyaan Somaliland.
Waxa kaloo, maamuuladii hore ee Somaliland qorshan ku diidanayeen, iyagoo maskaxda ku haya saamaynta ku keeni karto shacbiga 50-ka Sanno ee soo socda, maadama tiro ahaan ay Malayiin jeer ka badan yihiin dadweynaha ku nool Itoobiya kuwa Somaliland, arintaasoo ka mid waxyaabaha ay inta badan ku xisaabtamaan dawladaha caalamku.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo marka la is-barbar-dhigo Labada arimood aanay ahayn kuwo isu dhigma, hadana waxa aanu shaki ku jirin haddii arintani dhacdo in khatar weyn oo aan la saadaalin karin wakhtiga uu yahay dhicitaankeedu la soo deristo Shacbiga Somaliland, iyadoo taasi noqno doonta arin masuuliyadeedu saran tahay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isla markaaba waqtigeeda lagula xisaabtami doono.


Source Wargyska YOOL

No comments:

Post a Comment

Burdi search

only search Burdi news

Adal Flag

Links