Xisbi Siyaasadeed oo aqoonyahanka soomaliyeed ku dhawaaqayaan
February 27, 2011 By
Halka lagu qabtay Xafladda ayaa waxaa ka soo xaadiray dad badan, inkastoo masraxa shirka ay fadhiyeen dad si weyn loogu ixtiraamo siyaasadda Soomaaliya sida Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Cusmaan Jaamac Cali Kalluun, Danjire Maxamed Shariif iyo C/qaadir Aadan Shiikh Jengeli.
Liibaan Daahir Nuur oo ka mid ah Ardayda wax-ka-barata Jaamacadda London, isla markaana
Wuxuu waliba raaciyay in Prof. Abdi Ismaciil Samatar daadihinaayay shirkan loogu gogol xaadhayo ku dhawaaqida xisbagan siyaasadeed ee Hiil-Qaran, professorka oo ka dhawaajiyay in Dhuuxa xisbigan uu yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.
Xisbigan Siyaasadeed ee magaciisu yahay Hiil-Qaran ayaa haddii si rasmi ah loo shaaciyo, waxaa uu noqonayaa xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay oo ay hoggaankiisa hayaan dad aqoonyahan ah iyo ruugcadaayaal siyaasada magac ku leh, kuwaasi oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeeda. Waxay u eegtahay in isbadal weyn ku soo food leeyahay siyaasada soomaliyeed ee labaatan sano in ka badan jahawareertay.
Wadhaf News
No comments:
Post a Comment