Adal Search

Custom Search

Adal Search Result

subscribe Burdi-news

Burdi-Dilla News Headline Animator

Monday, October 26, 2009

A new somaliland`s warlord who pose a threat to the unity of somaliland

Vollbild anzeigen




Waxan akhristay maqaal ku qornaa Jamhuuriya maalintii Sabtidii ee October 25keedi. Maqalka cinwaankiisu wuxuu ahaa: Sheekh Aadan-Siiro oo ka Digay Qorshe Lagu Luminayo Taariikhda Xasuuqii iyo Halgankii Dib-u-xorraynt Somaliland. Wuxuu kaga hadlay xasuuqii iyo taariikhdii halgankii oo la tirtirayo iyo in ay dowlada iyo xisbiyado ka dambeeyaan tirtirkaas.

Khudbadaasi waxay ahayd mid aaan la yaabay oo dadka wax garadka ah ee meel dheer wax arka cabsi gelinaysa. Shaydaanku wuu wajiyo badan yahay, wuu mu’aamaraad badanyahay, wuu qaab badan yahay. Diinta Islaamku waxay xaaraantinimaysay isku dirka, xamaasad abuurka, kacdoon abuurka, iyo iska horkeenkaba. Masaajidada waxa ka xaaraan ah khudbadaha Sheikh Siiro ka jeediyey masaajidka Xawaadleh. Halku qabisga Halgankii loo soo maray xurayntii Somaaliland iyo wixii dad iyo duunyaba soo gaadhay iyo in ay jiraan dad taariikhdii halgankaas dabuulayaa ama baabi’inaaya waa wax ka fog xaqiiqda ka jirta Somaliland.

Dadka Somaaliland khaas ahaan dadka degen Hargeiysa way ogyihiin in taariikhdaasi nooshay noolaana doonto. Shiekhu moo ilaaway in ay ahayd bishan October 17keedi dabaaldegii Xuska dadkii ku dintay halganka u ku tilmamay in taariikhdiisii la aasay. Dowlad, xisbiyo, iyo shicibkuba way isku soo bexeen si weyna waa loo xusay.

Somaalildu waxay ku mahmaahdaa TIMIR LAFBAA KU JIRTA. Waxan isweydiinayaa waxa Sheikhu uu ka dan lahaa Khudbada iyo dadka u ujeedinaayay. Waxaan u malaynayaa in dadka u la hadlaayaa ayna ku noolayn Somaaliland. Ujeedada khodbadaasi waa mid la malayn karo, Hase-ahaate, waxan u daynayaa dadwaynaha in ay furfuraan khudbadaas Sheikhu ka jeediyey masaajidka Ilaahay ka xaraantimeeyey khudbadaha naxliga iyo xumaanta wata. Waxa la yidhi NIN TUUR LEHI ISAGA AYAA YAQAANA SIDUU U SEEXDO. Shaydaanku ma garan waayo xeeladaha u dadka ku haleeya ee u ku seejiyo dariiqa toosan. Khudbado tan ka horeeyey oo Sheikhu soo jeediyey markii ay kululayd arinta Ceelbardaale ayaa iguna mudan in dadku akhristaan. Khudbadhaas oo Shiekhu ku taageerayay reer xareed.

Waxa Sheikhaba bara dhaafiyey masuuliinta Jamhuuriya ee soo qoraysa maqaladan xambaarsan xumaanta, kacdoonka, iyo isku dirka. Uma arkaann xumaan haddii khudbadaasi siyaasadaysantahay. Waxan u arkaa xumaan iyo qas abuurkii Jamhuuriya ku caana maashey oo ay qiil u hashay.

Dadweynaha reer Somaliland ha iska shaandheenyaan ariman oo kale iyo xumaanta Jamhuuriya ka dhex horisu ummada.

By Mohamed Mousa

No comments:

Post a Comment

Burdi search

only search Burdi news

Adal Flag

Links

Blog Archive