Adal Search

Custom Search

Adal Search Result

subscribe Burdi-news

Burdi-Dilla News Headline Animator

Friday, September 18, 2009

Geesiyiintii Dilla oo Cadowigii khasaare culus u geystey


Xigasho-(Awdalpress)– Dagaal culus ayaa maanta ka dhexdhacay beelaha Dilla iyo Gabilay, dagaalkaas oo ka dhacay xuduuda labada degmo ee Baki iyo Gabilay gaar ahaan Aagaga Buqdhada iyo Boodhka, wararka ka imanaya jiidahaas ayaa sheegaya in ay weerarka soo qaadeen maleeshiyada dhanka gabilay ilaa sadex weerar oo isdaba jooga, ilaa hadase khasaaraha la soo sheegayo ayaa ah 5 qof oo dhaawac ah dhinaca Dilla iyo hal qof oo dhimasho ah, dhinaca Gabilayna wararka aan ka helayno ee aan la xaqiijin ayaa sheegaya 6 dhimasho ah iyo dhaawac aan tiradooda la hayn. Dagaalkani wuxuu noqonayaa midkii ugu cuslaa ee ka dhaca jiidaas, isla markaana waa dagaalkii ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan dad intaas le’eg labada dhinac, weli waxa lagu soo waramayaa in dagaalku qaboobay, balse sida ay ku soo waramayaan dadka degen jiidaha ay wax ka dhacayaan waxaa jira is urursi ay wadaan beelaha gabilay oo ka socda deeganadooda, hadii dagaalku mar kale dhacana waxaa iman karta khasaare kan ka badan. Si kastaba ha ahaatee waxa isweydiin leh sababta keentay wakhtigan loo diyaar garoobayo Ciida barakaysan ee Ciidal-Fidriga, waxa kale oo jirta in dhawaan khasaare ka dhacay dhanka Hargaysa oo weli shacabku la hafeefanayo khasaarihii halkaas ka dhacay, habase ahaatee xaalku wuxuu u muuqdaa waagibaryaaba waayo leh.

No comments:

Post a Comment

Burdi search

only search Burdi news

Adal Flag

Links

Blog Archive