Adal Search

Custom Search

Adal Search Result

subscribe Burdi-news

Burdi-Dilla News Headline Animator

Monday, December 27, 2010

Cambaarayn ka soo baxday jaaliyada beel waynta R.Nuur ee ku dhaqan dalka switzerland

Cambaarayn ka soo baxday jaaliyada beel waynta R.Nuur ee ku dhaqan dalka switzerland

Cambaarayn ka soo baxday jaaliyada beel waynta R.Nuur ee ku dhaqan dalka switzerland
Date: Mon, 27 Dec 2010
Jaaliyada Beel waynta R.nuur ee ku dhaqan dalka Switzerland ayaa si kulu dusha ugaga tuuray cambaaryn xukuumada uu Silaanyo hogaanka u hayo sida ay uga dhaga adaygaso wax ka qabashada dhacdooyinka soo noqnoqday ee ay fuliyen maleeshiya beeleedka uu hormuudka qaldan u yahay cawar xareed.

Bishan horaanteedii waxa ay maleeshiyo beeleedku ay warar gaadma ah ku soo qaadeen deegaanka kaxda oo hoos taga degmada Baki halkaasina ka fuliyay falal waxshino leh oo ay ku waxyeeleeyeen qoys ceebka saliim ah iyaga oo dil, dhaawac iyo dhac xoolaadba u gaystay qoyska.

Dhacdada gaadmada ah oo gabi ahaanba fashilisay ciidan ku sheega la soo dhoobay deegaanada lagu muransayahay iyo meelaha labada beelood ay iska soo gaadhaan xuduud ahaan iyada oo ciidan beeleedku ay si sahlan so dhaafeen kuna sii dhaafeen ayaa hadana ilaa hada ay san jirin wax war ah oo ka soo yeedhay hogaanka ciidan ku sheega iyo dhanka xukumada. Sikastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee ay weeraro gaadmo iyo jidgayn ah kula kacaan dadka rayidka ah.

Cambaarayn:
waxa aanu si kulu u cambaaraynaynaa Xukuumada uu hogaanka u hayo Silaanyo iyo inta sharci darada kula shaqaysata oo si qayaxan isaga indha qabtay wax ka qabadka dhacdadan iyo gabi ahaanba colaada ka aloosan degaanada ay ku muransanyihiin Reernuur iyo Jibril abkor, iyada oo ay xukuumadii Daahir Rayalena ku guul daraysatay sidii sharciga lagu soo hortaagi lahaa budhcad beelkii jid gooyada ku sameeyay ganacsato aan wax galabsan una gaystay dilka foosha xumaa,

Tacsi:
waxaa aanu tacsi u dariyanaa dhamaan eheladii iyo qoyskii weerarka gaadmada lagula kacay ee loo gaystay khasaara isugu jira dilka, dhawaaca iyo dhaca xoolaadba, waxaanu ilaahay uga baryaynaa wiilkii laga dilay qoyska in uu Ilaahay naxariistii jano ka waraabiyo
samir iyo iimaana ka siiyo.

mohamed mahamud shirdon:switzerland           

email adress:awdal06@hotmail.com

No comments:

Post a Comment

Burdi search

only search Burdi news

Adal Flag

Links