Adal Search

Custom Search

Adal Search Result

subscribe Burdi-news

Burdi-Dilla News Headline Animator

Wednesday, May 16, 2012

http://awdalpress.com/index/wp-content/uploads/2012/05/Dr-Abdishakuur.bmp GEESI LOO HANWEYNAA ( A tribute to my hero Dr. Abdishakur Jowhar) May 16, 2012 By staff-reporter Awdalpress - Abu Dhabi - Hearing of the death of Dr. Abdishakur Sh. Ali Jowhar struck me as a thunderbolt out of the blue. At no time can one be prepared for death but at times like this it is simply unbearable. The following eulogy poem is therefore a tribute to my friend, eminent scholar, unique thinker and philosopher, medical doctor and above all my irreplaceable intellectual soul mate and hero who was snatched by an untimely death in a tragic and unforgivable car accident on one of Somaliland’s deathtrap roads, between Dilla and Borama, on 13th May 2012. Dr. Jowhar was a man blessed with the gift of gab and it was our mutual love for words and ideas that brought us together. It is therefore imperative that I remember him in the way he knew and respected me best, as a poet. In time, I will write an obituary about him to share his life as I knew him with his fans and the general public but now let me try to touch on his character, his intellectuality, his passion, his bravery, his kindness, his wisdom, his patriotism, his rebellious thought and his modesty as well as his humor, his sarcasm and his flare with language in the following poem: Geesi Loo Hanweynaa ( A Greatly Sought After Hero). Geeriyeey gableeyaay Gudcur iyo habaareey *** Iyadoon laguu gogol Oon gu’ba laguu tirin Waxad soo guclaysood Kolba guri mug weynaa Goloftood ku heestaba Miyaad goor xun socodeey Maantana gab soo tidhi *** Ood gabi hadhweyniyo Geed lagu nagaa iyo Gumbur lagu dahsoonaa Geesi loo hanweynaa Gab intaad ku soo tidhi Gaar nooga qaaddoo Goonyaha dhulkaygiyo Gayigii u ooyoo Shakuur lagu gunaanaday… *** Maxaan gabay idhaahdaa Miyuu ii guntamayaa Godka uu baneeeyiyo Gabalaaxsigiisii Gololuhuu fadhiyi jirey Gereerka erayadu Qiimihiisi gaarkii Miyuu gudi karaayaa… *** Qalinkaygu gaydhada Miyuu guulihiisii Goohiyo dayaankii Geesaaska sheekada Siduu yahay gammaan faras Qoraalkuu galbini jirey Gibladiyo ciyaartiyo Gurxanka iyo loolkiyo Wilwilaha ku goyn jirey Weedhuu gorfeeyaba Guuxuu ka tegi jiray Goolkuu ku dhalin jirey Miyuu gaadhi karayaa… *** Geesi baan abiidkii Geeridu ka raagine Goortii la joogaba Guubaabadiisii Gurmad caymadkiisii Gaadh ilaaladiisii Guryo oodistiisii Gacal ururintiisii Miyaa galalawgiisii Durba loo go’doomoo Gar allee la tebayaa *** Goobtuu dhex joogsado Gole oogistisii Hadal godolintiisii Gar wanaajintiisii Talo loo gudboonyahay Gorfo buuxintiisii Garaad xoorintisii Miyaa garashadiisii Durba loo go’doomoo Gar Allee la tebayaa *** Jowharow waxaad guddo Gogoshaad ahaydiyo Beel gardaadintaadii Dareen garashadaadii Cilmigaagii gaankii Waa loo goblamayoo Goobtaad banaysaa Jiilaal ka soo galay *** Geeridu xaq weeyee Somaliland gaar Iyo guriga Soomaal Gaban yar iyo waayeel Geed kastoo la joogaba Gacmahaa la hoorshoo Gurayo hoyashadaadii Guus iyo quraan iyo Ducaa lagugu geebaray *** Guudkeeda dunidani Intaad joogtay gacallow Waajibkaagii gudatee Guryaheeda aakhiro Galihii firdowsaad Gama’ oo ku waar nabad. Bashir Goth, 13th May 2012.

No comments:

Post a Comment

Burdi search

only search Burdi news

Adal Flag

Links