Adal Search

Custom Search

Adal Search Result

subscribe Burdi-news

Burdi-Dilla News Headline Animator

Tuesday, April 5, 2011

Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha oo canbaareeyay Qurba-jooga reer Awdal ee ku dhawaaqay Awdal State


 

Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha oo canbaareeyay Qurba-jooga reer Awdal ee ku dhawaaqay Awdal State

April 05, 2011 By: Idhanka Category: News

Cismaan Aw Cabdi Muxumed oo ahaa wasiirkii Macdanta iyo Biyaha ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ku Canbaareeyay Qurba-jooga u dhashay reer Awdal ee dibada kaga dhawaaqay inay samaysanayaan Maamul la yidhaahdo Awdal State.
Cismaan waxa uu sheegay inay kooxdaasi tahay koox yar oo aan metali Karin dadweynaha reer Awdal ee Somaliland ee jooga Qurbaha, isla markaana dadka reer Awdal ay ku filan yihiin inay ka hortagaan fidnada ay Somaliland ku abuurayaan waxaanu yidhi “ dadka reer Awdal muddo sided sano ah ayay xilka Madaxweynenimo hayaan waa ceeb in maanta markii isbedel yimi ay ku hadlaan waxaan cuntami karin, kuwa waxaa samaynayaa ma metelaan dadka qurba jooga ah ee reer Awdal, wax ay ku samayn karaan Somaliland Madax banaanideedana ma jirto.” Ayuu yidhi
Isagoo sii wata hadalka uu kooxdaas ku durayo waxa uu yidhi “ dadka qurbajooga ah ee reer Awdal waxa laga filayaa inay dalkooda wax soo taraan, waxaan uga mahadnaqayaa sidii ay jaamacadda Camuud u dhiseen maantana waxa looga fadhiyaa inay ku soo tartamaan sidii ay gobolkooda iyo dalka intiisa kaleba uga hirgalin lahaayeen Mashaariic horumarineed si ay Dalkooda u dhisaan, loogama baanha inay maanta la yimaadaan waxaan ka turjumayn dareenka fayaw ee dadkooda.”
Cismaan Aw Cabdi mar uu ka hadlayay reer Awdal ahaan waxa ay aaminsan yihiin iyo talaabada ay ka qaadanayaan dhawaaqaas waxa uu yidhi “ reer Awdal waa Somaliland, reer Awdal baana ku filan kooxdaasi waxa aan leeyahay xukuumadda meel uga banaan ma jirto wax ka qabashada arrintaas ee reer Awdal faraha halooga qaado” ayuu ku soo gabagabeeyay shirkiisa jaraa’id
Source-Waaheen

No comments:

Post a Comment

Burdi search

only search Burdi news

Adal Flag

Links