Adal Search

Custom Search

Adal Search Result

subscribe Burdi-news

Burdi-Dilla News Headline Animator

Thursday, September 30, 2010

BAAQ KA SOO BAXAY UGAASKA GADABURSI & QURBO JOOGTA WAQOOYIGA AMEERIKA

BAAQ KA SOO BAXAY UGAASKA GADABURSI & QURBO JOOGTA WAQOOYIGA AMEERIKA

September 30, 2010
By staff-reporter
Awdalpress(Ottawa) 30-Sept-2010-Anagoo ah qurba joogta Reer Awdal, Salal iyo Gabiley oo ay weheliyaan Ururada TLC & ARDAA. Iyadoo aan xog-ogaal u nahay isbadalka siyaasadeed ee ku dhisan  qabiilka raba in uu ka amar ku taagleeyo heshiis laba reer dhexmaray in si sinaan, cadaalad iyo maamul daacad  laga yahay la wada samaysto.
Anagoo ka warqabna war saxaafadeedkii odey dhaqmeedyada (Salaadiinta) gobollada galbeed ee isugu jiray warbixin dhacdooyin si isdaba jooga ah u dhacay ee ay maamulka Hargeysa ku dhaliileen tixgelin la’aanta codsiyadoodii hore.  Markaan aragnay sida badheedka ah ee khaladaadkii uu galay taliyaha ciidamada Gen.Nuux Taani, hasayeeshee, si badheedh ah loogu soo leexiyey Gen. Maxamed Osman Ibraahim (Xudhuun).  Haddii aannu nahay qurba joogta ku nool Waqooyiga Ameerika oo uu hogaaminayo Ugaaska Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, waxaan soo jeedinaynaa go’aamada hoos ku xusan oo isugu jira bogaadin, tusaalayn iyo digniin:
1.      Waxaan si buuxda u taageeraynaa bayaankii Salaadiinta Gobollada Awdal, Salal iyo Gabiley.
2.      Waxaan bogaadin iyo hambalyo u diraynaa bulshada sadexdaas gobol ee ka gilgilatay cadaalad darada isbiirsatay, dhaga adayga, cagajuglaynta iyo balan qaadyada beenta ah ee ku salaysan siyaasadda nifaaqa ah ee maamulada kala dambeeyey ee Hargeysa ay ku sifoobeen.
3.      Waxaan uga digaynaa maamulka Hargeysa ee dhaqan galinaya siyaasadii jabahadii SNM in heshiiskii labada reer (Gadabuursi & Isaaq) ee Boorama lagu soo dhisay, uusan mar labaad Boorama ku burburin.
4.      Qurba joogtu markay warar lagu kalsoon yahay ay ka heshay bulshadeeda dalkii ku sugan, in maamulka Hargeysa aanay sinaba uga aqbalayn inay maamulka Gobolladaas ay keenaan dad aan isir iyo ehel u ahayn.  Haddii taasi dhacdana ay jawaabtu noqon doonto mid nabad- galyada khal khal weyn gelin doonta.
5.      Waxaan ugu balan qaadaynaa  bulsho weynta gobolladaas inaan HIIL & HOOBA la garab joogno si ay uga midho dhaliyaan badbaadada danahooga siyaasad-dhaqaale iyo xuquuqdooda aas-aasiga ah.
6.      Waxaan ku wargalinayaa maamulka jabhadaysan ee Hargeysa, haddii aanu si deg deg ah uga waantoobin talaabooyinkaas qaawan ee qabiilka ku salaysan, in wixii ka yimaada gudaha iyo dibedaba ay masuuliyadooda iyagu iska leeyihiin.
7.      Waxaan u soo jeedinaynaa Siyaasiyiinta Gadabuursi ee ku sugan Hargeysa in ay si deg deg ah uga hawlgalaan Gobolladii laga soo doortay, iyagoo si foojigan u dhageysanaya dareenka bulsha weynta soo dooratay ooy tageero siiyaan.
8.      Waxaan si cad ugu sheegaynaa maamulka Hargeysa in miisaan la’anta maamul kasta oo ka jira Somaliland iyo shaqaalaba ay tahay mid ummadda Gobolladaas iyo qurba jooguba ayna dib dambe u oggolaan doonin oo ilaa la dheeli tiro nidaamka maamul kasta siiba ciidamada amniga, guurtida, baarlamanka, xukuumada, iyo shaqaalahaba.
9.      Gen. Xudhuun badalkiisu waa hadal layska yidhi cidina kama qaadi mayso,umanaya malaynyo inuu aqbali doono,inuu ciidankii 17sanno dhisayay uu maanta aayar ka dhaqaaqo,waxaan leenahay ,walaalkayo maxamed xudhuun ha ku laabto ciidankiisii wixii baahi ah ee ciidanku qabana anaa dabooli.Mana ogolin in la soo faragaliyo Xuduun iyo Ciidankiisa.
Dhacdooyan isa soo taraya ee ku beegsanyo madaxda maamulka kaga jirtay Gadabuursi waxa uu ka dhigay tusbax furmay, waa hordhac in maamullada Gobolada Awdal , Salal & Gabiley laga fogeeyo madaxda,qof ku abtirsada magaca Gadabuursi. Siilaanyo muu hilmaahay inuu Rayaale si sharaf leh uu xukunka ugu wareejiyay isagoo wax shuruud ah ama gorgortan ku xidhin.
Qorshaha Siilaanyo iyo SNM way socon doontaa illa la gaadho marxalad la mid ah tii uu ka gabyey halyeygii  iyo  geesigii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan markii uu tiriyey tixdan hoos ku xusan:
Dallacaad jacayl baad kurtin noola dirirteene 
Dubaaqina waxa saa u galay daara buuxsade e                                                                  
Dux kama heshaan farenji aad dul i dhigataane                                                                
Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye 
Dirhamkuu idiin qubahayaad dir u go’aysaane                                                             
 Marka hore dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye                                                         
Marka xigga dalkuu indin ku odhan duunyo dhaafsada e
Marka xigga dushuu idinka rari sida dameeraaye”
Qorshuhuna wuxuu yahay:
Marka xiggana Ceelbardaaluu  ku darsan degaladii horre e                                     
Dilla iyo Lughayaana loo dan leeyahaye”
Gabaygan waxuu guubaabo u yahay bulshoweynta Gadabuursi ee ku nool Gobollada aan kor ku xusnay, khaas ahaan inta ka tirsan maamullada cadaalo darada ku sifoobay, waxaana aan ugana digaynaa cawaaqib xummada iyo khatarta ay kala kulmi doonaan daallimiinta uu hogaaminayo maamulka Hargeysa,   Gabaygani wuxuu baraarujinayaa qof kasta oo Gadabuursiya oo maamulkan ka tirsan inuu fahmo khatarta  soo socota iyo waxa lala damacsan yahay. “Walaalkii loo xiiryoow adiguna soo qoyso”.
Waxaan Ilaahay (SWT) uga baryayaa in Ummaadda Gobolladaas ee xushmadda, qaddarinta, dal jacaylka iyo dulqaadka faraha badan ku soo caano maashay inuu uu siiyo is-afgarad, midnimo iyo adkaysi ay u yeeshaan dulmiga iyo cadaalad darada soo waajahday. Si xikmadaysanna ay u xoreeyaan dadkooda iyo degaankoodaba. Aamiin.  Wa Bilaahi Tawfiiq.
UGAASKA GADABUURSI
UGAAS C/RASHIID UGAAS ROOBLE UGAAS DODI  .
WA BILAAHI TAWFIIQ                                                                
Ottawa. Canada

No comments:

Post a Comment

Burdi search

only search Burdi news

Adal Flag

Links