Adal Search

Custom Search

Adal Search Result

subscribe Burdi-news

Burdi-Dilla News Headline Animator

Tuesday, August 18, 2009

Go,aamo Qurbo jooga Beesha Nuur Yoonis ee UK

Go'aamo ka Soo Baxay Shirar ay Qurbo Jooga Beesha Reer Nuur Yoonis (Samaroon) Ee Degan United Kingdom Ku Yeesheen Magaalooyinka London Iyo Birmingham.
Shirar kala dambeeya oo ay Aqoonyahanka, Waxgaradka, Odayaasha iyo Dhalinyarada beesha ReerNuur ( Samaroon) ee degan Unite Kingdom ay yeesheen 02/08/09 London, 08/08/09 Birmingham, iyo 15/08/09. Waxa lagaga wada hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin.


Dilkii foosha xumaa ee dadqalatadu ku xasuuqeen jidgooyada Kalabaydh iyo Dilla dhexdooda. Shuhadadaas oo aan waligoodna la ilaawi doonin iyo dadkii kale ee ay ku waxyeeleeyeen oo ay kasoo wareegtay mudo bil kor u dhaaftay ilaa wakhtiganna aan wax talaabo ah laga qaadin.
Falkii ka horeeyay ee waxshinimada ahaa ee ka dhacay meesha la yidhaahdo kaxda ee lagu toogtay nin beertiisii qodanaya.
Wiilkii yaraa ee lagu uus xabaalayn kalabaydh isaga oo la jooga edadii.
Dilkii kale ee fulaynimada ahaa ee ka dhacay Satiile ee lagu dilay nin beertiisa qodanaya iyo waliba.
Labadii mujaahid ee iyagoo difaacaya naftooda, maalkooda iyo qoyskooda, qaar ka mid ciidamada qaranku dhabarka kaga toogteen dhaawaciina ay u geeriyoodeen iyo dhamaan dadkii ku dhaawacmay ama ku waxyeeloobay falalkaa gardarada ah.
Go'aamadii afduubka ahaa ee geedka Nabaddiid iyo arinta dhulka la isku haysto .
Xubno ka tirsan labada gole ee shaqadooda garan la' ee mooshinka qayru sharciga ah doonaya in ay horkeenaan golayaasha kuna fuliyaan go'aankii afduubka ahaa.
Cidkasta oo taageersan ama u garabsiinaysa arimahaas foosha xun ee aan la qaadan karin ee ka baxsan baniaadamnimada.
Hadaba markii laga wada hadlay arimahaas ee aad loo lafa guray waxa la isla gartay qodobadan.

TACSI
Waxan tacsi u diraynaa qoysaskii qaraabadii ehelladii ay ka baxeen shuhadada kor ku xusan dhamaantood.
Waxan marwalba xasuusnaan doonaa taariikhdana ku xusi doonaa shuhadadii ku geeriyootay dhacdooyinkaas foosha xun ee lama illaawaanka ah iyo ciddii dhibaato ka soo gaadhayba.
CAMBARAYN
Waxan cambaaraynaynaa dadkii fuliyay, kuwii ka dambeeyay iyo kuwa taageersan fallalkaas bahalnimada ah ee diinta islaamka iyo dhaqanka soomaalidaba ka baxsan.
DIGNIIN!
Waxan uga digaynaa xubnaha ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland ee shaqadoodii garanla' oo aan u aragno in ay lug ku leeyihiin falalkan haatanna doonaya in ay mooshin horkeenaan golayaasha si loogu fuliyo go'aankii afduubka ahaa ee ka dhacay Nabadiid, in ay faraha kala baxaan shaqadoodana gartaan, arimahanna u daayaan cida ay khusayso. Waxa kale oon uga digaynaa cid kasta oo garabsiisa ama taageerta falalkaas foosha xun iyo goaamadaa afduubka ah in ay faraha kala baxaan.
DALBASHO
Dawladda Somaliland waxan faraynaa oo aan si degdeg ah uga dalbanaynaa in ay si dhakhso ah u gudato hawsheeda oo ay gacanta ku soo dhigto sharcigana horkeento gacan ku dhiiglayaashii iyo cidii ka dambaysayba. Iyadoo ay ka soo wareegtay markii uu dhacay xasuuqii u dambeeyay muddo bil kor u dhaaftay walina aanay wax talaabo ah qaadin.
SOOJEEDIN
Beelwaynta Smaroon ee ku nool United Kigdom waxan ugu baaqaynaa in ay iskugu yimaadaan shirwayne ka dhaca London, Bisha Ramadaan ee Barakaysan kadib si aan uga tashano arimahan fooshaxun ee isdabayaala illaa hadana aan waxba laga qaban.
Beelwaynta Samaroon Somaliland.


Waxan uga digaynaa in aanay marnaba qaadan wax maslaxad iyo waanwaan ah ilaa gacanta lagu soo dhigo gacanku dhiiglayaashii iyo wixii ka dambeeyayba sharcigana la horkeeno. Waxaan uga digaynaa Beelaha Samaroon in aanay marnaba ka hadal wax ku saabsan dhulka la isku haysto ilaa gacanta lagu soo dhigo gacanku dhiiglayaasha sharcigana la horkeeno. Waxaan Kula talinaynaa Beelaha Samaroon ee Somaliland in aanay galin wax doorasho ah ilaa inta laga soo qabanayo gacan ku dhiiglayaashii iyo wixii ka dambeeyay sharcigana la horkeenayo.

Allaa Mahadleh

REER NUUR UK

No comments:

Post a Comment

Burdi search

only search Burdi news

Adal Flag

Links